Sawirro: Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug oo qabtay tartan aqooneed oo u dhaxeeya Ardayda dugsiyada Degmada Jariiban

06 Marso 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi ayaa magaalada Jariiban ku qabtay tartan aqooneed oo u dhaxeeya Ardayda dhigata dugsiyada Iskuulada degmada Jariiban.

Ardayda tartanka uu u qabtay Gudoomiye Axmed Huruuse ayaa dhigata dugsiyada Labilamaane, Bali Busle iyo Jariiban gaar ahaan fasalada 8 aad ee degmada Jariiban.

Tartankaan oo kale oo degmo u qabato iskuulada hoos yimaada ayaa ah kii ugu horeeyey, iyadoo ardayda Iskuulada Labilamaabe iyo Balibusle laga soo qaaday in ka badan 100 km.

Tartanka waxaa furay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug asaga oo tlmaamay in tartankaan uu ka mid yahay qaababka ay rabaan inay ku tayeeyaan waxabarashada gobolka.

Gudoomiyaha ayaa todobaadyadii u dambeeyey kormeer ku marayey degmooyinka Galdagob, Bursaalax iyo Jariiban ee gobolka Mudug.

Tartanka oo kama danbaystii u gudbay waxaa isku haray Dugsiyada Hoose Dhexe ee Balibusle iyo Jariiban.

Daawo sawirrada
23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

38
Puntlandes.com

About The Author