Xildhibaan C/risaaq Jurile oo ka Warbixiyay Qaban qaabada Munaasabada furitaanka Kalfadhiga seddexaad ee Baarlamaanka

07 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan Jurile oo loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada furitaanka Munaasabada Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la go’aamiyay Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare in Xaflad si wadajir loogu daah furo.

71a3

“Guddoonka Labada aqal waxay magacaabeen guddi labada aqal ka kooban oo Toban Xubnood ah guddigaasi markuu kulmay waxay ii doorteen inaan Guddoomiye u noqdo, waxaan go’aaminay oo aan isku raacnay Furitaanka kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu noqdo 10-Maarso, isla markaana Hal xaflad iyo Hal madal lagu furo Kalfadhiga seddexaad ee Labada aqal”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan Jurile.

Xildhibaanka ayaa sheegay in talaabadan wadajirka loogu furayo Kalfadhiga seddexaad ee Labada aqal inay tahay markii ugu horeysay oo la qabto, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu u jeedin doono khudbad uu kula hadlayo Xildhibaanada Labada aqal iyo shacabka.

“Waa markii ugu horeysay Kalfadhi wadajir ah uu yeesho Baarlamaanka labadiisa aqal oo loo sameeyo Hal xaflad Madaxweynahana uu khudbad ka jeediyo, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mid weeye, labo aqal ayuuna ka kooban yahay, sanadkii hore baarlamaanka howlo badan ayaa mashquuliyay mana suurta galin marka in xaflad mideysan lagu furo laakiin hadda iyo wixii ka dambeeya isku mar ayaa la furi doonaa Kalfadhi kasta oo Baarlamaanka Soomaaliya”,ayuu yiri Xildhibaan Jurile.

Dhinaca kale Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan ayaa sheegay in Kalfadhigan seddexaad la sameyn doono Guddi isku dhaf ah oo xalin doono meelaha mad madow ku jiro ee dastuurka oo labada aqal ay isku qabtaan.

“Hadda waxaa la sameyn doonaa kalfadhigan guddi isku dhaf ah oo Labada aqal ka kooban si ay u xaliyaan meelaha mad madow ku jiro ee dastuurka, xalkaasi ay isku af gartaan guddigaasina waxay gali doontaa xeer hoosaadyada Baarlamaanka”, ayuu yiri Juriille.

Munaasabada Furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka qeyb gali doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha iyo Xildhibaanada Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada dalka, Masuuliyiin ka tirsan Garsoorka, Maamulka Gobalka Benaadir, Bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Puntlandes.com

About The Author