Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 2aad

Waxaan shalay idiin soo gudbinay qoraankii koowaad ee ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October”. Maantana waxaan idiin soo gudbinaynaa Qaybtii labaad oo aanu ku soo qaadanayno qayb kamid ah Warbixintii Dugsiga Hoose/Dhexe Cirro. anagoo qaybo kale oo ku saanbsan isla Dugsigan idiin soo giudbindoona haddii Allah idmo.

10113

Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro Primary School (Warbixinta  Bisha September/October 2014)

 Hordhac

Dugsiga Hoose/Dhexe  ee Cirro primary school waa Dugsiga ugu baaxada weyn degmada Galdagob sidaa oo kale waxaa uu ku jiraa dugsigaan tobanka dugsi ee ugu  baaxada weyn Gobolka Mudug. Sanadba Sanadka ka danbeeya tirada Ardadu waxay uu sii kordhayaa si baaxad weyn tusaale ahaan sanadkii 2013/2014 tirada Ardadu waxay ahayd 933 Arday, marka sanadkaan la eegana waa 1007 waxaana ku 8% ama 74 Arday, taasoo cadaynaysa kor u kaca Dugsiga.

Qayb Cusub oo lagu kordhiyey Dugsiga

2014/2015 Dugsiga Farsamada Gacanta qaybtii 1aad oo ay naga caawisay NGO-ga Gothenberg, NGO-gu wuxuu naga daboola mushaarka bareyaasha iyo agabka waxbarashada. Qaybta 1aad  waxa lagu baranayaa laba xirfadood oo kala ah Farsamada Korontada oo ay baranayaan arday dhan 22 Arday oo Rag ah iyo Farsamada Cilaanka oo ay baranayaan 38 Arday oo Dumar .Haddii alle idmo waxa aan rajaynaynaa qaybta 1aad marka la dhameeyo in  qaybta 2aad lagu soo kordhiyo xirfado cusub sida Dawaarka , Uunsiga , Caafimaadka iyo Mechanical-ka  iyo IWM.

Qorshaha sanadkaan

Tayaynta  waxbarashada iyo sare u qaadida habka baridda

Maamulka dugsiga iyo gudiga waalidku waxa ay dardar galiyeen tayaynta waxbarashada iyadoo la keenay bareyaal khibrad  iyo aqoon intaba leh, una heelan sida looga mira dhalin lahaa hadafka Dugsiga  korna loogu qaadi lahaa habka waxbarashada ee sanadkan, tusaale ahaan fasalada 8aad iyo 7aad oo galab dhigan jiray oo ah  xilli kulul ayaa waxaa loo bedelay galinka hore taas oo keentay isbedal la taaban karo, tusaale ahaan waxaa kulmaya subaxdii macalinkii iyo ardaygiii  oo firfircoon balse galabtii macalinku shaqo badan ayuu soo qabtay ardaduna sidaa oo kale waxa ay soo mareen mashquul fara badan.

Librarya Dugsiga H/Dhexe

Dugsiga hoose/Dhexe ee Cirro waxa lagu soo kordhiyey Library  cusub oo loogu talagalay in ay ardadu ka faa’iidaystaan  iyadoo loo dhigay wixii buug ahaa ee Dugsigu haystay, taas oo isbedel  la taaban karo keentay, sida dhiiri galinta iyo wax wada akhrisashada (Group reading or Group discussion), Guud ahaan Puntland Dugsiga Cirro kaliya ayaa leh Library  taas oo ah mid lagu faani karo.

Eeg sawirka labariga dugsiga Hoose/Dhexe ee Cirro Bursaalax

1105

Cirro Primary school Library

 

Baahiyaha librariga Dugsiga hoose/Dhexe ee Cirro bursaalax

  1. Dhammaan buugta muqararka oo aad ugu yar .
  2. Buugta sheekooyinka ee luuqadaha kala duwan sida carabi ,Afsoomaaliga iyo English.
  3. Kuraasta oo ku yar
  4. Dayactir xagga marfashka ah
  5. Isaga oo u baahan mutaleel madaama uu aboor kuhayo weerar ba’an
  6. Koronto la’aan .

 Halkan ka akhriso Qaybtii koowaad

La soco Qaybta labaad oo aad u xiise badan

 

Waxaa diyaariyey Warbixinta Qotada dheer: Maamulaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame

Daabacaadii: Puntlandes.com

 

About The Author