Dhagayso: Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo Wasiirka Arimaha Dibadda DFS uu uga hadlay Heshiiska dekedda Berbera

11 Marso 2018 (Puntlandes) Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa idaacadda VOA ayaa waxaa todobaadkan marti ku ah oo waraysi dheer ku baxshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda fadaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad wuxuuna si qoto dheer uga hadlay heshiiska Berbera ee Itoobiya, Somaliland iyo shirkadda DP World oo ay dawladu kasoo horjeesatay.

17

Wasiir Axmed ayaa yiri “dawladda Soomaaliya waxba kama qabto diyaarna waa ay u tahay in walaalaha Somaliland la is-afgarto, laakiin …dal ajanabi ah oo damcay inuu heshiis galo aysan dawladda Soomaaliyeed ogolayn, marka dadka leh khilaafku Soomaaliya iyo Somaliland buu u dhexeeyaa waa dad aan xaqiiqadu siday tahay aan u arkayn, khilaafku wuxuu u dhexeeya dal ajanabi ah oo dalkayaga raba inuu u tashado anagoo soo jeedna shacina aan u layan”

Dhagayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliaya Axmed Ciise Cawad


Wasiir Sacad oo ku tilmaamay heshiisma mid u danaynaya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire isna waraysi siiyey VOA ayaa ku dooday in heshiiskaani uu u danaynayo Soomaaliya uuna yahay mid shaqo abuuraya aysana fahmayn Somaliland sababta ay dawladda Soomaaliya uga soo horjeedaan.

Wasiir sacad ayaa sheegay in markii horeba ay heshiiska qayb ka ahayd dawladda Itoobiya ee uusan ahayn mid ay gadaal kasoo gashay.

Dhagayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire

 


Puntlandes.com

About The Author