Sawirro: Abwaan Baarleex oo Lagu Dayacay Hargeysa oo DFS Muqdisho Keentay si ay dibadda….

12 Marso 2018 (Puntlandes) Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo muddoyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Xubnaha garoonka kusoo dhoweeyay Abwaanka ayaa waxaa hogaaminayey wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane, iyadoo qeyb ay ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, Takhaatiir iyo fanaaniin.

Markii ay soo caga-dhigatay diyaaradii waday Abwaanka ayuu masuuliyiintii soo dhoweysay iyo warbaahintaba uga waramey xaaladiisa caafimaad.

” Aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay maanta meesha aan joogo waa magaalo madaxdii dalka Soomaaliya,halkaan raggaa isoo dhoweeyay ee sida fiican ii qaabilay ee illaa xilligan ii guntan,ee meeshaan ku dagayay iyo nolosheyda ee xanuunkeyga iyo baaritaankeyga xilka iska saaray illaahey baa Mahad leh Walaaladeybaa u Mahad naqaayaa”,Ayuu yiri Abwaan Baarleex.

Farxaan Xidig oo ah xubin ka tirsan wacyi galinta Ciidamada qalabka sidda oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taariikhda Abwaan Baarleex ka sheekeeyay.

” Aad iyo aad bey u jecel yihiin ciidamada wacyigelintiisa, hal abuurkiisa aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta Muqdisho ku soo dhoweynayo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qadka Taleefanka Abawaan kula xiriiray isagoo Hargeysa ku xanuunsan,” ayuu yiri Farxaan Xidig.

Wasiirku xigeenka ahna Kusimaha wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ayaa sheegey Abwaan Baarleex Xaaladiisa Caafimaad oo dalka wax looga qaban waayey in dowladda Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii uu u heli lahaa caafimaad dibadda ah.

” Muddo ayuu ku xanuunsanaa gobollada Waqooyi gaar ahaan magaalada Hargeysa, halkaan waxaan u keenay inaan la soconno xaaladiisa caafimaad oo dhaqaatiirta ay sheegeen in dalka gudahiisa waxba looga qaban karin,waxaana isku dayi doonaa in caafimaad dibada ah u dirno Abwaanka,” ayuu yiri ku simaha Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane.

Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah hal-abuurada Soomaaliyeed ayaa bilooyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen dhaqaatiirta la tacaaleysay caafimaadkiisa in gudaha dalka waxba looga qaban Karin una baahan yahey in loo diro dalalka dibadda.

Daawo sawirrada

abw-2

abw-3

abw-2

abw-1
Puntlandes.com

About The Author