Xildhibaanada Aqalka Sare oo Guddi u saaray weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

????????????????????????????????????

13 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi u saaray dhacdadii lagu weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid dhamaadkii bishii December ee 2017.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Kulanka Xildhibaanada Aqalka sare uga socda Xaruntooda ayaa waxaa khudbad looga dhageystay Cabdi Qeybdiid falkii lagu weeraray gurigiisa, isagoo sheegay in aanu ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweynaha u saaray, sidaas darteed uu doonayo in Guddi u saaro Aqalka sare.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in gurigiisa loo weeraray tuhun la xiriira in ninkii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe ee 14kii October.

Intaas kaddib Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka dooday kiiskaas, waxaana qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha, si wax looga weydiiyo, halka kuwa kale ay dalbadeen in Guddi u saaro Aqalka Sare.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa labada soo jeedin ee ka timid Xildhibaanada cod u qaaday, waxaana inta ugu badan ee Xildhibaanada u codeysay in Guddi loo saaro kiiska Cabdi Qeybdiid.

Illaa 23 Xildhibaan ayaa u codeysay in Guddi loo saaro kiiskaas, halka 4 Xildhibaan ay u codeysay in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Dhanka kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa xilligan shir ka leh arrinta Dekeda Berbera iyo shirkadda DP World oo shalay xeer uu soo saaray Golaha Shacabka dalka looga mamnuicay.

Puntlandes.com

About The Author