Sawirro: Guddoomiyaha G/Banaadir oo xarigga ka jaray Xarun ay ku shaqeeynayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka

26 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey)  ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS oo hirgelineysay mashruuca dhismaha xaruntaan.

Muhiimada dhismaha xaruntaan ayaa waxay tahay sidii loogu adeegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo in Guddiga uu helo xarun ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan,maadaama ay u yaalaan howlo badan,taasi oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.

Madaxa Mashruuca  Hay’adda UNOPS oo fulineysay dhismaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka ay ku talaabsanayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo iyadane ka hadashay munaasabada xarig jarka ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliyeed oo dhulka siisay sidoo kale sheegtay in ay fududeyn doonta howlaha loo ikmaday.

“ Runtii marka doorasho la qabanayo waxaa loo baahan yahay goob lagu shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNOPS waxaana uga mahad celineynaa dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah howlaha adag ee horyaala Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana aamisanahay in haddii ay dhacdo doorasho xor ah in Shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan mudanaha ay aaminsan yihiin”,ayay tiri Xaliimo Yareey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Enjineer Yariisoow) ayaa xusay in si ay doorasho uga dhacdo dalka loo baahan yahay in Guddiga uu helo meel ku haboon si ay u qabtaan shaqo hufnaan leh.

“ Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha caalamka waxaa laga rabaa si doorasho hal qof iyo hal cod u dhacdo ,kow waxaa lagu tijaabinayaa sida Guddiga doorashooyinka xaruntoodii loogu heli lahaa xarun u qalanta loogu dhisi lahaa si Hay’adda ay u noqoto Hay’ad jirta,runtii Guddiga waxaa ugu mahad celineynaa dadaalkooda iyo mudadii Guddiga uu soo jiray ee daruufaha adag ku shaqeyneyseen iyo sidaad u shaqeyseen sidaad u diyaariseen barnaamijkii doorashooyinka hadana aad ku jirtaan nuuca doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd daraasadeeda,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya xarumo ku meel gaar ah, hase yeeshee xaruntaan ayaa wax badan ka bedeli doonto markii ay dhamaato dhismaheeda shaqada adag uu guddiga u haayo shacabka Soomaaliyeed.

94c1

94c2

94c3

Puntlandes.com

About The Author