Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo iska dhex doortay maamulkiisii

28 Marso 2018 (Puntlandes) Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland ayaa kullan ay isugu yimaadeen ku doortay Guddoomiye, kuxigeen, xoghayn iyo Khasnaji.

95b3

Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo ka kooban 7 Xubnood ayaa lagu shaaciyey digreetada kasoo baxday Wasiirka Warfaafinta 25kii bishan, iyagoo ka kala yimid sidaan:

Dowladda Puntland oo leh labo xubnood Agaasime kuxigeenkaTelefishinka Dowladda Daahir Aflow iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Mowliid Nuur Abkeey, xubin ka socota Warbaahinta oo ay soo xushay MAP Burhaan Axmed Daahir, xubin ka timid bulshada Rayidka ah Faa’isa Cabdullaahi Cilmi, xubin ka socday Garyaqaaanada Sheekh Siciid iyo xubin ah Khuburo dhinaca saxaafadda ah oo ka yimid Wasaaradda Waxbarashada Puntland Agaasimaha Tacliinta Sare, Maxamed Axmed Shirdoon.

Guddigan ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan is maandhaafka inta badan ka dhextaagan dowladda iyo Warbaahinta, waana markii ugu horaysay ee la sameeyo guddi noocaan ah tan iyo markii la aasaasay Dawladda Puntland 1998kii.

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa u qabtay Guddiga shir socday labo maalin oo looga hadlayay doorkooda iyo waxyaabaha ay ka shaqayn doonaan.

Giddiga ayaa kulankooda u doortay Nuur Shire Cismaan  Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland Mowliid Nuur Abkeey waxaa loo doortay ku xigeen, Xoghayah ayaa isna waxaa loo doortay Burhaan Axmed Daahir oo guddigan kasoo galay xagga MAP, iyadoo ugu dambayn Khasnaji loo doortay Faa’isa Cabdullaahi Cilmi oo ka socota bulshada rayidka ah.

Puntlandes.com

About The Author