Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay sababihii loo baajiyay kulankii Golaha Shacabka

31 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo la kulmay isaga iyo kuxigeenadiisa ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Golaha Shacabka ee maanta loo balansanaa.

92a3

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ayaa Guddoomiye Jawaari ku sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay ogolaadeen wixii khilaaf ee jira xal laga gaaro, isla markaana loo turo shacabka, isla markaana midnimada iyo wadajirka Baarlamaanka lagu dadaalo.

Guddoomiye Jawaari ayaa yiri “Aniga iyo labadeyda kuxigeen waxaan la kulanay Madaxweyne Faramajo, wuxuu soo jeediyay in kulanka maanta la hakiyo, si xaalada loo dejiyo, anagana waa ka wada aqbalnay soo jeedinta Madaxweynaha”

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in dib laga soo sheegi doono, wixii kale ee dhiman, si loo helo xasilooni siyaaasadeed sida uu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha, lana ilaaliyo bedqabka iyo wadajirka Baarlamaanka sida uu yiri.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa ayaa Xildhibaanada iska soo horjeeda kala wateen labo ajande ah, waxaana laga cabsi qabay fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo hareeya dalka.

Puntlandes.com

About The Author