DFS oo ku dhawaaqday inay la wareegayso Ciidamadii ay UAE gacanta ku haysay ee Muwqdisho

11 April 2018 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in Cidiamada uu tababaray Imaaraadka Carabta oo ku jira Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon ay la wareegi doonto dowladda Soomaaliya.

21a8

Wasiir Mursal ayaa sheegay in ciidamada la tababaray ay yihiin ciidan ka tirsan xoogga dalka, isla markaana ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta waa ciidan ka tirsan xoogga dalka, dowladda Soomaaliyeed ayaa la wareegi doontya, xil ayaa ka saaran, mushaaraadka la siin jiray waxay ahaayeen kuwo KMG ah, waxaa hada la diyaariyay qorshahooda iyo tirakoobkooda, wixii hada ka dambeeya dowladda ayaa mushaarka siin doonta”ayuu yiri Wasirika Gaashaandhigga.

Waxaa uu sheegay in munaasabadda 12-ka April oo ah maalinta ciidanka xoogga dalka oo ku beegan maalinta berri lagu shaacin doono in dowladda la soo wareegtay, isagoo ka dhawaajiyay in dowladda ay kafaala qaadi doonto.

“Tirakoobkooda iyo namabaradooda waa la diyaariyay, waxaana loo sameeyay guutooyinka ururada ay ka mid noqonayaan”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga oo u mahadceliyay Imaaraadka Carabta tababarka ay siiso Ciidamada.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraakda Carabta, iyadoo maalintii Arbacadii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ay ku qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho lacag malaayiin doollar oo laga keenay Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa cambaareysay falkii lagu qabtay lacagta u socotay oo ay sheegeen in loogu tala galay Milateriga Soomaaliya iyo in lagu xadgudubay xeerka diblomaasiyadda, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay, iskana fogeysay eedeymaha ka soo yeeray Imaaraadka.

Puntlandes.com

About The Author