Imaaraadka oo wadi doona tageerada uu siiyo ciidamada PMPF

Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka ogaatay dowlada Imaraadka ay sii wadi doonaan tababarkii iyo taageeridii s iin jireen Ciidanka PMPF ee Puntland.

22d

Maanta oo ah Sabti ayaa baraha bulshada (Facebook & Twitter) ay soo buux dhaafiyeen warar sheegaya in tababaraayaasha dowlada Imaraadka ka jooga maamulka Puntland ka baxayaan, isla markaasna ay dawladda Puntland ku xanibtay Diyaarad  qaadi lahayd mudo saacado ah.

Dowlada Imaraadka waxay balan qaadey iney sii wadeyso taageerada ay siiso ciidamada Badda Puntland oo tiro ahaan ku dhow 2000 askari oo ay tan iyo intii la aasaasey gacanta ku hayeen tababarkooda, qalabeyntooda iyo mushahar siintooda.

Ciidanka PMPF ayaa ku kala sugan saldhigyo ku yaal xeebaha Puntland sida Qandala, Bargaal Xaafuun, Eyl iyo Garacad iyo deegaanada kala buurta Galgala iyo agagaarkeeda.

Dalka Imaraadka Carabta oo kamid ah wadamadii dalka Soomaaliya u soo gurmadey markii burcad badeedka weerarta marakiibta marta xeebaha Badda Cas iyo Hindiya.

UAE ayaa go’aansatey in Xeebaha Puntland ka dhisto ciidamo kala dagaalama kooxahaan dhinaca dhulka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa intooda badan dhaqaalaha ka tageera. wadamada kala ah Mareykanka, Midowga Yurub, Imaaraadka, Turkiga iyo UK.

Puntlandes.com

About The Author