Naciimo Abwaan Qorane oo Somaliland 3 sanno oo xarig ah ku xukuntay

15 April 2018 (Puntlandes) Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo ah gabar qoraa oo caan ka ah Soomaaliya.

23

Maxkamadda ayaa ku soo oogtay Naciimo dambi ah inay faafisay hadalo ka dhan ah jiritaanka Maamulka Somaliland iyo inay dal shisheeye ka sameysay barnaamij kacdoon lid ku ah Somaliland.

Xariggeeda ayaa waxaa horay u cambaareeyay hey’adaha xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu xusuusto suugaan ay ka tirisay midnimada Soomaaliya.

Naciima ayaa horay uga qeyb gashay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray bandhigyada buugaagta iyo suugaanta oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

Puntlandes.com

About The Author