Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ku guuleystay doorashadii Kursiga Xildhibaannimo ee Dhuusamareeb

15 April 2018 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka, kaasoo ay doora shadiisu ka dhacay maanta magaalada Dhuusamareeb.

23a

Doorashada Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamayay saddex musharax oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

C/llaahi Faarax Wehliye ayaa helay codod dhan 28 cod, halka Musharax kale Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod, Cabdulle Faarax Xirsi 3 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horay Musharax iyo Wasiir ka soo noqday Galmudug ayaa markii labaad ay tahay oo uu ku guuldareysto doorashadan kursigan, waxaa uu sanadkii 2016 sidan oo kale looga guuleystay isla doorashada kursigan uu ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin.

Guusha C/llaahi Faarax Wehliye uu ka soo hoyay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Baarlamaankaayaa waxay u muuqataa mid u sii xoojineysa u dhowaanshihiisa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Puntlandes.com

About The Author