Imaaraadka oo Joojisay taageeradii & tababaradii ay siin jirtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

16 April 2018 (Puntlandes) Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Joojisay taageeradii iyo tababaradii ay siin jirtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

23a4

Sida ay qortay wakaalada wararka ee WAM ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Dubai ay joojisay taageeradii Ciidamada Soomaaliya.

Wakaalada ayaa ku warantay in arintaan ay ka dambeeysay kadib markii Imaaraadku uu ka carooday lacagtii dhowaan lagu qabtay garoonka Muqdisho.

Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta bilahii la soo dhaafay, waxayna ka taageeru isugu jirto Dhaqaale iyo Tababar u fidin jiray ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Imaaraadku uu tababaro ay amarada ka qaataan Saraakiisha Imaaraadka hayeeshee aanay si toos ah awaamiirta uga qaadan Taliska Ciidamada Milatariga iyo wasaarada Gaashaandhiga.

Puntlandes.com

About The Author