Sawirro: Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo Ka Qayb Galay Munaasabadda Caleemasaarka Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 April 2018 waxaa uu ka qaybgalay caano shubka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa uu kaga qayb gelayo Caanashubka Beeldeejaaha Beesha Cali Saleebaan waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabada Caleemosaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi ayaa waxaa uu yiri

“Waxaan u ducaynayaa una hambalyeynayaa beeldaajaha iyo beesha Cali Saleebaan gaar ahaan gudigigii xafladda caana shubka,  si qurux badan ayaa xafladda ugu faro yaraysateen waan idiin ducaynayaa waxaad gaarsiiseen heer sare, waa inaad adeecdaan beeldaajaha oo aad si fiican ugu dhago nuglaataan, beeldaaje Maxamed waa nin ku filan howsha loo idmaday cilmi, caqli, iyo darajo intaba ugu filan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadii caasno shubka ayaa waxaa uu Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi  ugu  hambalyeeyey golaha dhaqanka ee uu maanta kusoo biiray islamar’ahaantaana wuxuu madaxweynuhu Beeldaajaha Allaah uga baryey in uu fududeeyo hawsha adag ee hortaala.

” sharaf weyn bay ii tahay in aan kasoo qaybgalo xafladaan quruxda badan ee lagu caleemo saarayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Cabdulaahi iyo intii soo qaban qaabisay, sidoom kale  intii soo qaban qaabisay aad bay u mahadsan yihiin iyo intiina ka soo qayb gashay oo ay ugu horeeyaan intii meelaha fogfog ka timid, waxbadan bay muujinasaa munaasabadaan anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan rabaa in aan idinku soo dhaweeyo Puntland oo nabad ah, Puntland oo hooyadii Soomaaliyeed ah, Puntland oo idin jecel ku soo dhawaada dhammaantiin, waxaan leeyahay xilka laguu doortay Alle hakuu fududeeyo Alle Hakugu dhowro, beeshaan waa beel weyn oo ka tirsan Puntland magac, maamuus, wanaag iyo sharafna ku dhex leh Puntland, waxaan leeyahay marka Beeldaaje waxaa lagaa rabaa in aad wakhtiga nabadda nabad ku hogaamisid beesha, wakhtiga colaaddana nabad ku hogaamisid beesha anana waan kugu taageereynaa, waxaan rabnaa nabada inaad ka bilowdo xunbays iyo rako sigaara ayey kuu sugaysaa wakhti adagna waad ku soo aaday, waan u mahad naqayaa isimadayada xaalad adag bay ku shaqeeyaan duruuf adag bay ku shaqeeyaan wanaaga iyo nabada ka jirtana ma aysan jirteen haddaan isimadaan la helin, laakiin waxaan kuu balanqaadaynaa in dawladda Puntland ku garab istaagto kulana shaqayso, Beesha Cali Saleebaan waxaan leeyahay waxaaad hesheen Beeldaaje dhalinyaro ah, aqoon yahan ah, golo joog leh, waxaa la idinka rabaa marka in aad si wanaagsan ula shaqaysaan,

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caleemasaarka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaah kadib waxaa uu gaadhay xarunta Ganacsiga Dawladda Puntland ee Boosaaso, halkaas oo uu ku sugnaan doonaa maalmaaha fooda inagu soo haya.

 

 

                                                                                  0      

Puntlandes.com

About The Author