Daawo Video: Madaxweyne Gaas “Imaaraadka Carabta cid noo bedeli karta ma jirto”

16 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga tababarada ciidamada Badda Puntland ee ay taageerto dawladda Imaaraatka Carabta ee duleedka magaalada Bosaso ayaa sheegay in Soomaaliya xiriirka ugu weyn ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in saraakiil Imaaraad ah lagu dhibay Garoonka Bosaso.

23b

Madax weyne Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu xiriirkooda mid qiimo gaar ugu fadhiyo iyo qadarin, isla markaana ay wadaagaan xiriir xag amni, ganacsi iyo dhaqan soo jireen ah.

Dr Gaas ayaa waxa uu sheegay in ciidan gaaraya illaa 2000 askari oo ka howl gala Puntland ay Imaaraadku u tababareen, kuwaasoo ka howl gala Puntland oo dhan Barriga iyo Badda, isla markaana ka qeyb qaata howl galada la dagaalanka burcad badeedka iyo xagjirnimada.

Dr Gaas ayaa sheegay in ciidankaas ay tababareen Imaaraadka Carabta ay yihiin ciidan leh qalab isku filan oo qalabkooda dhameystiran yahay, isla markaana uu akhlaaqdooda wanaagsan tahay, kuna sugan xeebaha Garacad illaa Laasqoray fhanka barigana Buuraha Galgala iyo meelo kale, lana dagaalamayaan Daacish, Al-Shabaab iyo Burcad badeedka sida uu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta inay joogaan oo ay sii wadaan tababarka iyo taageerada ay siiyo Cidamada, isla markaana ay sii laba jibaaraan.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlaya ahmiyadda Ciidankaads ayaa yiri “Difaaca ugu horeeyay ee Soomaaliya waa Puntland, dhib kasta cida wajaheysa oo ka hor imaanaysa waa Puntland, haddii Puntland Difaacaan waa Soomaaliya ayay difaac u yihiin, Imaaraadka Carabta waxaa ka codsanayaa in ciidanka tababarkiisa ay sii wadaan, oo ay joogaan, howsha taageerada ciidan waxaa ka dalbaneynaa inay sii laba jibaaraan”

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Dawlada Imaaraadka Carabtu ay mashaariico kala duwan ay ka wado Puntland waxana uu sheegaya inayasna cidna ku badalan karin hormarka ay Puntland ka wadaan
Cabdiwali Gaas ayaa Been abuur ku tilmaamay hadalo warbaahinta lagu faafiyeye oo ahaa in Saraakiisha Ciidamada Imaaradku ay ka baxaan Puntland.

“Imaaraadka Carabta wey muuqataa taageerada milateri ee Soomaaliya ama Puntland ay siinayaan, hadii ay tahay xiriirka ganacsi iyo maalgelinta, taas ayaa noo cadeyneysa in cid noo bedeli karta ama noola siman in aysan jirin”ayuu yiri C/wali Gaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii qaladaad dhacay uu ka bixinayo cudur daar iyo raalli gelin, isla markaana Imaaraadka Carabta ay yihiin saaxibo, lana shaqeynayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Waxaa rabaa arrimo maalmo dhoweyd baraha bulshada ka socotay oo ahaa kuwo been abuur ah, ciidamo baxay iyo diyaarad laga celiyay ma jirto, warkaasna sax ma ahan”

Puntlandes.com

About The Author