Imaaraadka oo agabkii & saanadii Milateri ka rartay Xerada Jen. Gordon ee Muqdisho

16 April 2018 (Puntlandes) Imaaraadka Carabta ayaa maanta agabkiisa iyo qalabkii milateri ka rartay xerada Tababar ee ay ku lahaayeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

23a9

Gawaari waawayn oo Konteenaro ah ayaa lagu daabulayay agabyo iyo saanad milateri, iyadoo Qalabkaas iyo saraakiishii tababarka u qaabilsanaakala baxay Muqdisho.

Dhanka kale Isbitaalka Sheekh Zaaid ee Imaaraadka Carabta ku lahaa degmada Shingaani, gaar ahaan halkii la oran jiray Fiisha BRA ayaa maanta la xiray, iyadoo la joojiyay howlihii caawimaad iyo qaabilaada bukaanada oo maalin walba daawo maalmeed ka heli jiray isbitaalkaas.

Imaaraadka ayaa war saxaafadeed ay xalay faafisay Wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM lagu sheegay in la joojiyay gebi ahaan howshii tababarka iyo taageerida Ciidamada dawladda Soomaaliya ay siin jireen, taasoo ay qeyb ka tahay mushaarka.

Puntlandes.com

About The Author