Ciidamo Boobay xaruntii Tababarka Imaaraadka ee Muqdisho.

16 April 2018 (Puntlandes) Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Bililiqo iyo boob uu ka dhacay Xerada Jen. Gordon ee Imaaraadka ay Ciidamada ku tababari  Imaaraadka jireen ciidamada Soomaaliya, magaalada Muqdisho.

23a4

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay Boobeen agabkii looga tegay Xarunta, kadib markii ay ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee halkaasi ku sugnaa, sida ay soo werisay mid ka mida Idaacaddaha Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay qaateen Agab, qalabka lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka, waxaana dadka degaanka u dhow

xeradaasi ay sheegeen in ciidamada ay isku qabsadeen agabkaasi.

Saraakiishii ciidamada Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo qalab ay u baahnaayeen, waxaana la sheegay inay ciidamada u sheegeen inay kala tagaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author