Dhagayso: C/wali Gaas oo sheegay in Lacagtii Muqidho lagu qabtay ee UAE ay 3.6 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtaas ahayd lacagtii ay ugu talogaleen Ciidamada jooga Puntland”

17 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo VOA war aysi gaar ah siiyey ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo aad  muhiim ah ka wadaan Puntland, kuwaas oo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ay ka maarmaan, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal iyo is-fahan.

23b

Madaxweyne Dr Gaas ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka, taas oo ay ugu horeyso tababarida iyo taageerista ciidamo  ka howlagala dhamaan deegaanada xeebta ah ee Puntland iyo qaybo ka mid ah beriga, iyadoo qayb lixaad leh ka qaadanaysa dib u dhisida Ciidan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dowlada Imaaraadka ka taageerto Ciidan ay Puntland u tababartay oo ku dhow 2000 Askare Mushahaaraadka, qalabka Ciidanka iyo agabyada kale ee Ciidanku adeegsado ama u baahan yahay. Madaxweynaha ayaa kusii daray in dowlada Imaaraadka ay qayb lixaad leh ka qaateen Horumarinta Puntland iyo kaabayaasheeda dhaqaalaha iyagoo qaarna gacanta ku haya sida Ballaarinta Dekedda Bosaso, qaarna soo wada sida wadooyin.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa waxaa wax laga waydiidiyey lacagtii uu Imaaraadku lahaa ee ay dawladda Faderaalku ku qabay 8dii bishan garoonka diyaaradaha ee Adan Xadde waxa uuna caddeeyey in laxagtaas 3.6 milyan oo ka mid ahayd ay dawladda Imaaraadku u waday Ciidan Puntland ee ay taageerto.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa yiri markuu ka hadlayey lacagtaas “haa anaaba waydiiyey oo markii lacagta la qabsadayba waxaan wacay Amb Mohamed Al-Cutmani wuxuuna ii sheegay lacagtu 9.6 milyan bay ahayd 3.6 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtaas inay ahayd lacagtii ay ugu talogaleen Ciidamada jooga Puntland, saas bay noogu cadeeyeen.. macluumaadkaasna waan la qaybsaday madaxdeena”

Dhagayso qaaybta koowaad ee waraysiga VOA ee madaxweyne Gaas.



Puntlandes.com

About The Author