Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya & Imaaraadka

17 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka labada dal.

23b7

Sheekh Shariif oo wareysi siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay khilaafka labada dowladood laga gaaro xal.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka Carabta uu door aad u muhiim ah ka qaaday arrimaha Soomaaliya, isla markaana sanadihii u dambeeyay ka caawisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sheekh Shariif oo la hadlayay Telefishinka Al Carabiya ayaa yiri “Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir fanacsi, mid horumarineed iyo saaxibtinimo oo qoto dheer”

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baarlamaanka, xukumadda iyo madaxda dowlada ka dalbaday in xiisadaan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, wuxuuna intaas uu sii raaciyay in mararka qaar ay dhacaan arrimahan oo kale, laakiin loo baahan yahay haddii is fahmi waa uu yimaada in si deg deg ah xal looga gaaro.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii xumaaday xiriirka dalka isagoo gaaray hadda halkii ugu xumayd taariikhda, iyadoo Imaaraadka ay dhowaan cambaareysay tallaabadii lagu xanibay diyaarad ka diiwaan gashan dalkeeda garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lacag mallaayiin dollar ay siday lagu qabtay garoonka, lana wareegeen ciidamada ammaanka.

Puntlandes.com

About The Author