Sawirro: Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Ciidan tababar uu uga socdo Dugsiga Gen Kaahiye

18 April 2018 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Dugsiga tababarka Ciidanka Gen kaahiye, halkaasi oo uu kula kulmay Ciidan dhowaan tababar loo furay.

Taliyaha oo la hadlay Ciidankaasi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee  tababarka la siinayo , islamarkaana ay oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego, kana dhiidhiya ficilada arxan laawayaasha Argagixisada ah.

Sidoo kale Taliyaha, ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsigaasi.

24a1a

24a1a1

24a1a2

24a1a3

24a1a4

24a1a5
Puntlandes.com

About The Author