Sawirro: Qatar oo gaadiid & Labo wiil ku wareejisay Gobolka Banaadir & dowladda Soomaaliya

17 April 2018 (Puntlandes) Dowladda Qatar ayaa Baabuur Basas ah oo tiradoodu tahay 30 ku wareejisay maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Dekeddaha dowladda Faderaalka Soomaaliya lagu wareejiyey labo Wiish oo waawayn oo loogu talogalay Dekedda Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka dekadaha, maareeyaha dekadda Muqdisho, guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan safaadaradda Qatar ee magaalada Muqdisho ayaa munaasabadda wareejinta ka qeyb galay.

Gaadiidka ayaa waxaa loogu talo galay in lagu dardar geliyo adeegyada kala duwan ee dadweynaha Gobolka Banaadir loo qabto,  iyadoo loo qaybin doono degmaayinka Gobolka Banaadir.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekadaha xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar gaadiidkaan casriga ah ee ay ku wareejisay.

23b8

23b8a

Puntlandes.com

About The Author