Dhagayso: Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shaaciyay in uu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

18 April 2018 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta shaaciyay in uu u taagan yahay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

24a4

Wasiir Maxamed Mursal  oo hadda ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu sii wadayo howsha Guddoonka Baarlamaanka, haddii uu ku guuleysto xilkaas.

Maxamed Mursal ayaa lagu tuhmayaa in uu yahay Musharrax ay wadato Xukuumadda Soomaaliya, si uu u badalo Jawaari oo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xukuumadda.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa xilka iska casilay 9-kii bishan April, waxaana xeerka Baarlamaanku dhigayaa in booskaas lagu soo buuxiyo 15 maalmood gudahood.

Shalay ayaa sidaan oo kale waxaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isku soo taagay Shiikh Aadan Madoobe oo Dowladii KMG ahayd ka soo noqday Guddoomiye Baarlamaan.

Dhagayso Musharax wasiir Maxamed Mursal


Puntlandes.com

About The Author