Markab Imaaraadka usoo diray in alaabtooda oo ku soo xirtay Dekeda Muqdisho

18 April 2018 (Puntlandes) Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku soo xirtay Dekeda magaalada Muqdisho, kaasoo lagu wado in lagu raro alaab ay leedahay Imaaraadka oo maalmihii la soo dhaafay laga soo daabulayay xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho.

21a5

Markab laguna magacaabo MV Jabel Ali 7  oo faaruq ah ayaa ugu soo xirtay dekedda in alaabo waa weyn oo ay ku jiraan Kunteenaro lagu raro, kuwaasoo ka mid ahaa agabyo ay Imaaraadka Carabta kala baxayaan magaalada Muqdisho.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la arkayay Gawaari xambaara kunteenaro oo agabyo ka daabulayay xerada Tababarka ee Jen. Gordon ee ku taal degmada Hodan, halkaasoo ay maamulayeen Imaaraadka Carabta.

Agabyadii u yiil xerada tababarka ee Jen. Gordon iyo alaabihii yaallay xarumaha caafimaadka ayaa la isugu geeyay xarunta Safaaradda, halkaasoo lagu wado in dhowaan laga qaado, lana geeyo Dekeda Muqdisho, si loogu raro Markabka taagan.

Xiriirka u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday, wixii ka dmabeeyay markii diyaarad ka diwaan gashan Imaaraadka lagu xayiray garoonka Muqdisho 8-dii bishan, iyadoo lacag ay siday diyaaradaas ay la wareegeen Ciidamada Ammaanka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Puntlandes.com

About The Author