Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo magacaabay goliisa wasiirada, maxay Somalidu ka geleen?

19 April 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa magacaabay  golihiisa wasiirada, isayadoo uusan ka dhex muuqan wasiirkii hore ee Haashaandhigga.

Abiy Ahmed ayaa magacaabay toban wasiir oo cusub balse waxa uu u dhaafay xilalkoodii wasiirka maaliyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Baarlamaanka Ethiopia ayaa dhaariyay tobanka wasiir ee ku cusub xukuumada iyadoo wasiirkii hore ee shidaalka iyo gaaska Motuma Mekassa loo magacaabay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.

Golahan cusub ee wasiirada ayaa laga dhowrayaa inay isbedel ku sameeyaan wadanka Ethiopia oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hareeyeen banaanbaxyo.

Abiy Ahmed ayaa 2-dii bishan loo dhaariyay xukunka dalka Ethiopia kadib markii uu iscasilay Ra’iisul wasaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxana uu ka soo jeedaa qowmiyada Oromada oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia.

Tirada Golaha wasiirrada cusub ayaa ka  kooban 16 wasiir, waxaana labo wasiir oo aad u culus loo magacaabay labo Aqoonyahan oo kasoo jeeda dowlad Degaanka Somalida Itoobiya kana tirsan Xisbiga Talada Maamulka Dowlad Degaanka haya, waxay kala yihiin:

1- Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay Axmed  Shidde

2- Wasiirka Sayniska iyo Teknologa oo loo magacaabay marwo Ubax Maxamed Xuseen Giire.

ffttr03

Axmed waxaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho, waxaana magacaabistan ay ka mid tahay isbeddellada uu ballan qaaday Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya.

Ra’isalwasaare Abiye oo Baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa ka codsaday in ay u meel mariyaan 6 wasiir oo uu ku sameeyay isku shaandheyn iyo 10 Wasiir oo cusub, kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya oo ka kooban 547,xubnood waxaa ay ka tirsanyihiin Xibsiga talada haya ee EPRDF, mana jirin cabsi ah in Golaha Wasiirrada cusub ay weynayaan kalsoonida Baarlamaanka.

Golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta ansixiyay Golaha wasiirrada ee cusub iyada oo Baarlamaankuna ay markii ugu horreysay Haweeney Guddoomiye ka noqotay.

Puntlandes.com

About The Author