Daawo Video: Somaliland oo xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buurmadow (Sawirro)

19 April 2018 (Puntlandes) Ciidanka Somaliland ayaa caawa xabsi u taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland, iyagoo ka qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Boqor Buurmadow oo magaalada Carmo kaga qayb galay Caleemasaarka Beeldaajiye Maxamed Beeldaajiye Ismaaciil ayaa wuxuu ka imaanayey dalka Imaaraadka Carabta, isagoo Bosaso uga duulay waxaana soo dhoweyntiisa ku sugaayay Garoonka salaadiin iyo dadweyne kale.

Halkan ka daawo khudbadii uu Boqor Buurmadow ka jeediey Carmo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha ahna ku simaha wasiirka Cismaan Garaad Soofe ayaa  sheegay in Boqor Buurmadow lagu xiray isagoo dibedda ka waday falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada kana soo horjeeda qaranimada Somaliland, faahfaahin kale ma bixin wasiir xigeenku.
Halkan ka daawo Ciidan Booliska Somaliland oo ka hadlay Xariga Boqor Buurmadow

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo u hadlay salaadiinta soo dhoweyneysay Boqor Buur Madow ayaa isna sheegay inay cambaareynayaan xarigaasi.

Boqor Cismaan Aw maxamuud Buur Madow oo hadda ku xiran xarunta ciidanka CID ee Boliis ee hargeysa ayaa mudooyinkii danbe ku noolaa dalka imaaraadka carabta.

Toddobaadkii hore ayay maxkamad ku taal magaalada Hargeysa waxa ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah Abwaanad Naciima Qorane kadib markii lagu eedeeyay inay fidineysay hadalo lid ku ah maamulka Somaliland, waxaa kale oo la Xabsi dheer lagu xulkumay isna wiil lagu eedeeyey wuxuu caayey Madaxweyne Muuse Biixi.

Daawo sawirrada Boqor Buurmadow ee Puntland

1

1a

2

3

4

5

9

10

Puntlandes.com

About The Author