Madaxweyne Gaas oo magacaabe Guddiga Hagaajinta Bilicda & Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Bosaso una safray Imaaraadka

21 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

_68A3772q

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso.

ku: Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari

Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri

Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah.

Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran.

1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi                     Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye

2: Siciid Maxamed Raage                              Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

3: Maxamed Faarax Beeldaaje                   Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin

4: Cabdirsaaq Nuur Cumar                           Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan            Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin

6:  Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado}     Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin

7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi              Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin

8:  Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax      Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin

9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen      Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin

Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dhanka kale Madxweyne Gaas ayaa maanta u safray Imaaraadka isagoo sheegay inuu kala soo hadli doono arimaha Ciidanka ay Imaardku taageeraan ee Puntland, Mashaariic Horumarineed iyo kuwa arimaha Bulshada.

Ugu dambaytii Gaas ayaa ka hadlay Xariga ay Somaliland xirtay Boqor Buurmadow isagoo sheegay in Puntland xurmayso Dhaqanka ayna ka codsanayaan Somaliland inay xoriyadiisa dib ugu soo celiso Boqorka oo booqday q a yb dalkiisa ka mid ah.

Puntlandes.com

About The Author