Sawirro: Warbixin: Safarkii Puntland ee Wasiirka Amniga DFS ee Bosaso ilaa Garowe & shirka amniga oo ka dhici doona Garowe

21 April 2018 (Puntlandes) Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Puntland waxaa la filayaa in dhawaan uu ka qabsoomo shir looga hadlayo amniga dalka kaasi oo ay isugu imaanayaan Wasaaradaha amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiirada amaanka Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo Puntland kadib safar dhawaan wafdi uu hogaaminayaya wasiirka amniga uu halkaasi ku tagay,waxaana deegaanada Puntland laga dareemayaa horumaro dhinacyo kala duwan leh oo uu amaanka ugu horeeyo.

Axmed C/llaahi Dowlad oo ah Wasiirka Amniga Puntland oo soo sagootiyay xubnaha Wafdiga ayaa sharaxay xaaladaha amaanka deegaanadaasi.

“Ee halkan waxa jooga wasiirka amniga qaranka iyo kuxigeenkiisa oo kamid ahaa wafdigii ka yimid xamar,waxaan filaynaa kolay waxyaabihii ay ka arkeen amniga Puntland inta ay soo socdeen Boosaaso ilaa garoowe amniga iyo soo dhaweyntii ay soo arkeen,waxaan filaynaa in Soomaaliya ay dhamaanteedi noqon doonto,wafdigana waxaan ka sugaynaa fariintani in ay naga gudbiyaan”. Ayuu Yiri Wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed Abuukar Islow Ducaale oo hoggaaminayay wafdigii dhawaab tagay Puntland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii loo sameeyey isagoo sharaxay ugu horeyn waxyaabihii ay la soo kulmeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacab weynaha amma Xukuumada maamul Goboleedka Puntland,sida ay inoo soo dhaweeyeen,waxaan leeyahay waad mahadsantihiin maalintii aan Bosaso ka soo degnay ilaa iyo haatan,marka xaqiiqdii safar dhulka ah ayaan soo marnay Carmo ayaan soo marnay Calema saarkii Beeldaajie Maxmed Ismaaciil,marka waa dareemi kartaan dhul musaafo intaasi la eg,amniga kajira maamulada kalena waxaan leeyahay haku deysadaano”.Wasiirka Amniga XFS.

Dhanka kale Wasiirka ayaa iclaamiyay shir looga hadlayo amniga Dalka,kaasi oo lagu wado in dhawaan uu ka qabsoomo xarunta Puntland ee Garoowe.

“Waxaa jira shir aan qabano labadii biloodba mar,marka shirkaasi waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Garoowe Caasimadda Puntland haduu alle yiraahdo,Wasiir kuxigeen ,Madaxweynaah Puntland iyo shacabweynaha Puntland waxaan uga mahadcelinaynaa soo dhaweyntii aad inoo sameyseen waad mahadsantihiin”. Ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale.

Socdaalkaaga inta u dhexeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee Puntland gaar ahaan dhinaca dhulka ahi waa mid aad u wanagsan,marka loo eego macluumaadka aad ka heli karto isusocodka iyo gaadiidka deeegaanadaasi.

waxaanu ahayn wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira, kuwaasi oo ugu horeyn safar dhanka  duulimaadka ah ku tagay boosaaso,amaanka magaalada waa mid aad u wanaasgan ma jiro cabsi iyo wal wal amni howlaha ganacsi iyo adeegyada bulshada ayaa si caadi ah u socda.

Intaasi kadib waxaan uu soo dhaqaaqnay dhanka Garoowe oo 500 KM u jirta boosaaso oo safar dhulka ah waxaan soo marnay magaalooyin badan sida Carmo,Qardho,iyo deegaanno kale,muuqalka wadada oo dhexmarta buuralay waa mid si fudud ku soo jiidan kara indhahaaga.

Koox u sheekeysiga dadka gaadiidka saarnaa iyo mowduuc maalmeedka ayaa int Abadan la xiriiray dareenka dadka musaafurka ah oo ka fog cabsi iyo walwal.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo siyaasiin oo aan la sheekeeysatay ayaa sidan iigu xog waramay waxaana kamid ah siyaasada Daahir C/qaadir Muuse Daahir Cirro,iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin horumarada ka jira deegaanadooda,islamarkana ay u rajaynayaan Soomaaliya inteedi kale in sidaasi ay noqoto.

Amaanka ayaa la aaminsanyahay in uu yahay mid kamid ah waxyaabaha aas aasiga u ah horumarka bulsho kasta oo kunool dunidan,iyadoo amni darada ay keeni karto dib u dhacyo badan,hadii ay ahayn lahayd dhaqaalaha,dib u dhiska iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

2

3

4

5

6

6a

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17
Puntlandes.com

About The Author