BAARLAMAANKA PUNTLAND ”MIISAANIYADA QALAD BAA KA BUUXA LAAKIIN AANU DUUDUUB KU ANSIXINO”

Garowe (Pes) Baarlamaanka Puntland  ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku mel mariyey Misaaniyadii sanadka 2015 ay Xukuumada Puntland soo gudbisay iyagoo qiray in ay qaladaad ka buuxaan laakiin doorbiday meeshii ay sixilahaayeen ama ay Xukuumada ku celin lahaayeen in ay meel mariyaan. ”Waa Miisaaniyad Daruuf ku salaysan” ayuu shir Gudoonka Baarlamaanku yiri

Miisaaniyad Qarash iyo Dakhli isku dheelitiran baa la inoo keeni jiray tana waxbaa ka qaldan ayey intaas ku dareen. Waxay kaloo isagoo shir Gudoonku yiri ”Miisaaniyada qalad baa ka buuxa laakiin aanu duuduub ku ansixino”

Arintan ayaa ah mid dawladnimada hareer marsan aana ku abtirsan wax dawladnimo la yiraahdo. Waxaynu hore u ogayn in ay dawladu soo gudbisay Miisaanid dhan ku dhawad 72 milyan oo doolar. Waxaynu kaloo ogayn in ay sheegatay dawladu in Bangiga Aduunku ka taageerayo sanad 2015 aduun kor u dhaafaya 22 milyan oo doolar oo lagu kabayo MNushahaarka shaqaalha Rayidka.

Waxaan la ogayn inta Shaqaale ee laga bixinyo Mushaarkooda? Waxaan kaloo la ogayn Canshuurta sida xad dhaaf ah loo kordhinayo inta ay le’eg tahay iyo meelaha lagu kordhinayo?

Wakaa baarlamaankii ay shacabka reer Puntland ka sugayeen in ay la xisaabtamaan Xukuumada uu Hogaamiyo madaxweyne Gaas. Aaway u yeeritaankii ay u yeereen madaxweyne Gaas mise waa ka diiday in uu hortago waxna kama qaadikaraan?

Halkan ka dhagayso maanta iyo baarlamaanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author