DAAWO VIDEO: MADAXWEYNE XASAN ” RA’IISUL WASAARUHU WUXUU KAALIN MUHIIM AH KU LEEYAHAY SOOMAALIYA….”

Xafladii maanta lagu magacaabayey Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa waxaa qodbadii madaxweynaha ka mid ahaa ”Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan u magacaabo danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cumar waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo, horayna wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare,” ayuu yiri.

1151

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray. “Inkastoo dastuurka uu awood ii siinayo inaan kaligay soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, haddana go’aankan markaan gaarayay waxaan tix-geliyay aragtida Soomaalida kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda.”

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaarahuna waa madaxa xukuumadda, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan wasiirrada iyo wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu talao-galay, iyadoo aan musuq-maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

1152

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhawaan loo magacaabay danjiraha Somalia u fadhiya dalka Maraykanka, isagoo noqday danjirihii ugu horreeyay ee ay u magacowdo inuu safiir uga noqdo Maraykanka tan iyo sannadkii 1991-kii. Wuxuuna hada noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee laba jeer noqda Ra’iisul Wasaare Somalia.

Daawo Video

Puntlandes.com

About The Author