Daawo Video: DFS oo la wareegtay Xeradii Gen Gordon ee Imaaraadku ku tababari jiray +(Sawirro)

21 April 2018 (Puntlandes) Xeradii Gen Gordon iyo Ciidammada ay tababareen Imaaraadka ayaa waxaa maanta la wareegtay dawladda Faderaalka Soomaaliya kadib markii ay Imaaraadku joojiyeen gacan ku haynteedii.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Xerada Gordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan  howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan, guuto ciidan ah iyo xarumo caafimaad ay la  wareegtay dawladda Soomaaliya.

Daawo Muuqaal

Daawo sawirradda
20

21

22

23

24

25

26

27

28

29
Puntlandes.com

About The Author