Dhagayso: Senetor Cumar oo hadlay Heshiiska Berbera, xiriirka Imaaraadka, Siyaasadda madaxda DFS & saxaafadda ay DFS ku hawlgelisay wax ka sheega Siyaasiyiinta.

22 April 2018 (Puntlandes) Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee VOA ayaa toddobaadkan waxaa waraysi dheer lagula yeesahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Senetor Cabdirashiid Cali Sharmarke, isagoo hadlay Heshiiska Berbera, xiriirka Imaaraadka, Siyaasadda madaxda DFS iyo saxaafadda ay DFS ku hawlgelisay wax ka sheega Siyaasiyiinta.

98a8
Ugu horayn Senetor Cumar ayaa iskaga fogeeyey in uu wax heshiis ah oo ku saabsan dekedda Berbera la galay Imaaraadka, mudadii uu ahaa Ra’iisal Wasaariha Soomaaliya isagoo sheegay in cidii haysa heshiis  ama is is-afgarad ay saxiixeen ay keenaan.

Cumar ayaa sheegay inay madaxda dalku ay mashquuleen Siyaasiyiin uu isagu ka mid tahay halka ay ka shaqayn lahaayeen dhamaystirka Dastuurka dalka iyo ka shaqaynta maslaxada dalka iyo dadka.

Cumar ayaa si xoogan u dhaliilay falalka cusub ee madaxdu ku soo biiriyeen baraha bulshada iyo qaar ka mid ah saxaafadda madaxa banaan iyagoo cidii aan la fikir ahayn lacag ku bixinaya si loo wasaqeeyo taasoo sida uu yiri la mid ah camalka kooxda Alshabaab ee cidii aan fikir ahayn ay u dhahaan waa Gaalo.

Dhanka kale Cumar ayaa madxda bogaadiyey Gudoomihii hore ee Golaha Shacabka wuxuuna ku amaanay inuu u tanaasulay maxlaxada ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna dawlada ugu baaqay inay ka shaqayso kuna hagto dalka halka ay ku jirto maslacxadda dalka iyo dadka.

Dhagayso waraysiga Cumar


Puntlandes.com

About The Author