dagaal xooggan oo ka socda Xeradi hore ee Tababarka Imaaraadka

23 April 2018 (Puntlandes) Wararka ay Warbaahinta Puntlandes ka helayso ayaa sheegaya in Dagaal qaraan uu ka socda hada Xeradii Tababarka ee Gen. Gordon ee degmada Hodan ee ay Imaaraadka Carabta gacanta ku hayn jireen.

25a9

Dagaalka ayaa ka dhashay ama salka ku haya baabuur dagaal oo la doonayo in xerada lagala baxo, iyadoo ciidankii xeradaas ku sugnaa ay diidan yihiin.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa la sheegay inay xerada tageen, iyagoo doonayay inay kala soo baxaan gaadiid, hase ahaatee laga hor istaagay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Xerada oo maalmo ka jor ay la wareegeen Taliska Ciidanka xoogga dalka, waxaana ciidankii uu horay u tababaray Imaaraadka loo bixiyay magaca Guutada Daljir.

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah uga guuray xerada, iyagoo uga tagay gaadiid dagaal, kuwa xamuulka, booyado, ambalaasyo iyo agabyo kale oo loogu tala galay ciidankii horay u tababaray.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Puntlandes.com

About The Author