Daawo Video: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo qaaddacay shirkii Saxaafadda ee Muqdisho

23 April 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) ayaa qaaddacay qodobadii ka soo baxay Shirkii Bed-qabka Suxufiyiinta ee maalmo ka hor ku soo xirmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

20b8

Qodobka ugu weyn ee shirkaasi ka soo baxay ayaa lagu sheegay samaynta guddi Qaran oo qaabilsan bed-qabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed,kaasoo ka kooban 11 xubnood oo ka kala  imaanaya dowladda Federaalka,Warbaahinta dalka iyo bulshada rayidka ah. Haye yeeshee Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shirkaasi ku tilmaantay”mid ku kooban gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo keliyah”.

Daawo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland

Puntlandes.com

About The Author