Akhriso Golah Xukuumadda DDSI & Xisbiga oo isku shaandhayn lagu sameeyey+ Gudoomiyaal Gobolo

24 April 2018 (Puntlandes)  Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe oo socday shalay iyo maanta ayaa waxaa lagu sameeyey iskushaandhayn xafiisyada kabinetka iyo qaar  kamid ah Gobolada DDSI. Shirkan ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I mudane maxamad rashiid isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar.

26a1

Hadaba, iskushaandheyntan ayaa waxay u dhacday sidan:

  1. Marwo fartuun Cabdi Mahadi waxa loonadley madax maalida ee DDSI
  2.  Mudane Ahmed Cabdi waxaa loo badaley Madax wazaarada Biyaha ahna xubin gudiga fulinta
  3. C/xakiin cigaal Cumer waa xubin gole dhexe ah ahna madaxa xafiiska pcdp
  4. Marwo sucaad axmed farax meesheedii
  5. Mudane khadar cabdi ismaciil madaxa xarunta dhexe ee xdshsi
  6. Mudane Hamdi aadan cabdi madaxwayne kuxigeen ahna wasiirka Cafimadka.
  7. Mudane suldaan kheyre wuxuu noqday xubin gudi fulin ah wuxuuna joogayaa xafiis kiisii
  8. Marwo maajida maxamed oo ahayd wasiirka xafiiska xoolaha waxay noqotay wasiirka madaxtooyada
  9. Mudane cumar maxamed wuxuu joogaa meeshiisii

Mudane Naasir Xasan Carab wuxuu noqday xubin gudi fulin ah

  1. Mudane ibraahin cali wuxuu noqday wasiirka sceice and technology ga

 Mudane Baashe Cabdi Ismaaciil wuxuu tagey wasiir kuxigeenka xafiiska sceice and

  1. Mudane fu aad jaamac walaabi wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska
  2. Mudane maxamad rabiic xaji c/qaadir wazirka dakhliga
  3. Mudane C/laahi garbo wuxuutagay  xafiis ka hortaga iyo udiyaagarawga masiibooyinka DDSI
  4. Mudane Haaruun yuusuf cabdi wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha
  5. Marwo Raxma maxamud halkeedii ayay joogaysaa
  6. Mudane C/mahad maxamed cabas wasiirka horumarinta xolo-dhaqata iyo reer guuraga
  7.  Mudane gamaal Farax warmooge wuxuu tagay xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI
  1. Mudane ibraahin aadan mahad wuxuu joogi meeshiisii
  2. Mudane C/Jamal axmed qaloonbi meeshiisii ayuu joogaa
  3. Mudane jamaal cismaan qorane wuxuu noqday xubin gudi fulin ah
  4. Mudane maxamed bile xasan (miig) lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka saxaafada waxaa loo badley  xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI
  1. Eng. Asad cumar wuxuu joogaa meeshiisii
  2. Mudne rashid jamac sheer wuxuu noqday wasiir kuxigeen
  3. Mudane xasan aadan xasan wasiir kuxigeen.

Gudomiyeyaasha gobolada ee cusub

  1. Mudane cabdi casiis Ahmed Habiye oo ahaa Gud degmada shabeeley ayaa waxa uu noqdey Gudoomiyaha Gobalka Qoraxay
  2. Mudane Muxumed Xassan suufi oo ahaa mayarka maamulka magaalada dhagaxbuur wuxuu noqdey Gudomiyaha Gobolka Jarar
  3. Mudane Xabiib Adan oo ahaa gudoomiye degmo waxa uu noqdey gudomiye Gobol
  4. Mudane maxamed cali oo ahaa madaxa xafiiska waxbarashada Gobolka Faafan waxa uu noqdey Gudoomiyaha Gobalka Dhawa.

 

 

Puntlandes.com

About The Author