Mursal Sheekh oo iska casilay xilkii Wasiirka Gaashaandhigga

24 April 2018 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa goor-dhaw ku dhawaqay inuu iska casilay xilkii wasiirka gaashaandhigga Somalia, kaddib markii uu isku sharrxay xilka guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

26

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo shalay laba xubnood oo golaha wasiirrada Somalia ka tirsan ay xilalkoodii iska-casileen, kaddib markii ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in warqaddii uu wasiirka difaaca isku-casilay uu u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka Golaha, iyadoo isla maanta la guddoonsiiyay shahaadaha musharraxiinta u tartamaya xilka guddoonka baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxay dhacaysaa 30-ka bishan, iyadoo ay ku tartami doonaan xildhibaanno iyo wasiirrada is-casilay.

Puntlandes.com

About The Author