Sheekh Xasan Daahir oo weerar afka ah ku qaaday Dhaqamada Alshabaab

25 April 2018 (Puntlandes)  Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa aasaasayaashii Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa muuqaala saconaya 53 daqiiqo si kulul ugu weeraray dhaqanka kooxda Alshabaab iyo falalkooda.

26

Sheekha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la dilo culumada, indheer-garadka, odayaasha iyo ganacsatada, isagoo sheegay in arrintan ay cadeyn u tahay inaan waxba la is dhaamin, khaladaadkuna badan doonaan.

Sheekhu Xasan wuxuu sheegay in Sh. Abuu Mansuur uu Al-shabaab ka caawiyay inay qabsadaan meelo badan oo waddanka ah, Wuxuuna sheegay in lagu abaal dhacay isagoo Cali Dheere ku cambaareeyey hadalladii uu ku sheegay inuu Abuu Mansuur diinta ka baxay.

”Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere wuxuu meelaha lahaa – Abuu Mansuur wuu ridoobay, marka qofkii ka hor-yimaada fikirkooda ma gaalbaa, Xitaa haddii qofka uu Khilaafada Islaamka ka hor-imaado Diinta miyuu ka baxay… Abuu-Mansuur waa ninkii gacanta idiin geliyay Gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, sidaad u dhaqmaysaa iyo sida diintu tahayna isma-lahan,” ayuu ku yiri hadalkiisa Sheekh Xasan Daahir.

Puntlandes.com

About The Author