SAWIRRO: Hub laga xaday xerada Gen Gordan oo lagu kala iibsanayo Suuqyadda Muqdisho

25 April 2018 (Puntlandes)  Wakaalada Wararka Reuters ayaa laga soo xigtay warbixin ku saabsan hub laga soo Bililiqaystay Xeradii tababarka ee Gen Gordon ee ay Imaaraadka Carabta gacanta ku hayn jireen, laakiin ay la wareegtay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Xerada ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ilaa 600 oo Qori oo ah nooca AK47 gaar ahaan kuwa Shiinaha lagu farameeyooo laga soo Boobay Xeradaas ayaa suuqyada magaalada Muqdisho lagu kala iibsanayaa sida ay Reuters u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

Wakaalada Reuters oo warbixinteeda sii wadata ayaa ku dartay in Qoryahan oo qaarkood ay cusub yihiin lagu iibinayo Suuqyo furan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, aysana qabin wax cabsi ama walwal ah oo ku aadan in laga daba yimaado dadka hubkan iibinaya.

Sida ay sheegeen rag ka mid ah ganacsatada hubka waxaa gacanta u galay hub u badan qoryaha AK-47 oo dalka Shiinaha lagu soo farsmayeeyay kuwaasoo ay ku iibsadeen lacag gaareysa $700 ayna ku iibinayaan $1000 sida uu u sheegay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka uga soo iibsadeen Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).

Sawirrada ay qaaday Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa muujinaya Qoryo cusub oo Jawaano lagu soo dhex riday, keliya laga soo muujiyay afka hore.

Daawo sawirrada Reuters
26a6

26a6a

26a6a2

26a6a3

26a6a4

26a6a1

26a6a5
Puntlandes.com

About The Author