C/weli Muudeey oo Xildhibaanada u qeybiyay Dastuurkii saxda ahaa ee la xaday

26 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka u qeybiyay nuqul ka mid ah dastuurkii la nbedelay oo saxda ahaa, kaasoo ahaa kii ay ansixiyeen Ergadii Soomaaliyeed sanadkii 2012.

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka.

Qodobada labadelay ayaa waxaa ka mid ah in mudada xil heynta Madaxweynaha ay tahay 5-sano, halka Dastuurka KMG ee xilligan lagu dhaqmayo uu yahay 4 sano.

Xildhibaan Cali Balcad oo soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada dowladdii Xasan Sheekh ayaa sheegay in docementiga maanta loo qeybiyay uu yahay midkii ay saxiixeen lixda hoggaamiye ee saxiixayaasha hab raacii dalka looga gudbayay xilliga KMG, isla markaana uu ahaa heshiis siyaasadeed, kaasoo markii dambe loo gudbiyay ergo gaareysay 850 ergo, kuwaasoo ansixiyay dastuurkii saxda ahaa.

Puntlandes.com

About The Author