Daawo Hees ka tarjumaysa Mashaariicda horumarineed ee Puntland ka hirgalay mudadii uu xilka hayey madaxweyne Dr Gaas

27 April 2017 (Puntlandes) Tan iyo intii uu Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hantiyey madaxtinimada Puntland, waxaa Hiinso oo Haruubka keen ahaa mashaariic qiimo wayn ugu fadhiday ummadda reer Puntland.

26a4

Heesta ayaa waxay ku bilaabanaysaa:

  • Shacab Hoodo lahoo
  • Hogaan wacan helaa Horumaree
  • Puntland halyey baa u kacay
  • Dhaqaalahan heersare marayoo
  • Mashaariicdan laga haagayee
  • Hiinso oo Haruubka keen
  • Waa Hoobaantii
  • Halku dhagii ahaa
  • Puntland ha isku tashato
  • Hayaanka Geedigeena
  • Hogosha & Hilaaca muuqda
  • Halkaanu haabinayno
  • Addaa nagu hagaayee
  • Midhaa kuma hilmaano
  • Cabdoow kuma hilmaano

Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Hees ka tarjumaysa Horumarka Puntland ee magaceedu yahay ”Puntland ha isku tashato” ee uu sameeyey Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish), uuna qaadayo Fanaanka caanka ah ee Bashiir Maxamed Abshir (Bashiir Nagaara)Muusikada waa Abdiwahab canter Naji iyo duubistii Liibaan studio.

Maanta Puntland waa u maalin horumarineed.


Puntlandes.com

About The Author