Dhagayso: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo UAE kula Hadlay Saxaafadda Caalamka

26 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta warbaahinta caalamka kula hadlay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu siweyn uga hadlay arrimaha Soomaaliya, xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya iyo Iskaashiga Puntland iyo Imaaraadka Carabta.
23b

Hadda waxaan doonayaa inaan ka hadlo muhiimadda Istaraatijiyadeed ee Puntland oo ah maamul katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya, Puntland waxay dhacdaa qaybta Bari ee Soomaaliya, waxaana ku sugan afar meeloodaw meel umadda Soomaaliyeed.

Waxay ku taalaa madal Istiraatijiyadeed, waana maamulka kaliya ee ka arrimiya badweynta Hindiya iyo baddacas, waxayna sidoo kale albaab u tahay gacanka cad-meed. Puntland waa maamulka ugu nabadgelyada badan Soomaaliya, waana maamulka ugu weyn ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya, waxaana la aasaasay 1998-dii kahor dhismihii dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Aan idin sharrexee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah laga soo bilaabo xilliyadii xorriyadda, UAE waa wadanka ugu weyn ee xiriir ganacsi ka dhexeeyo Soomaaliya, kumanaan ruux oo Soomaali ah ayaa Imaaraadka kahelay ganacsi iyo nabadgelyo kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana dalkaan laga shaqaalaysiiyey kumanaan Soomaali ah.

Intaa ka badan UAE, waxay tahay ayna ahayd mid wadashaqayn Istiraatijiyadeed naga siisa dagaalka ka dhanka ah argagixisada, daabulka sharci darrada ah ee dadka, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda, sidaasi daraadeed taageeradoodu waa muhiim waxayna lagama maarmaan u tahay nabadgelyada umadda Soomaaliyeed.

DP World waxay heshiis la saxiixatay Puntland, waana maalgelintii ugu weyneyd ee Puntland tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, maalgelintaani waxay muhiim u tahay horumarka gobolka iyadoo kumanaan shaqo u abuuraysa dhalinyarada shaqa la’aanta ah ee dalka, waxay sidoo kale abuuraysaa shabakada wadashaqayneed oo dibadda ah taasi oo keenaysa maalgelin badan, waxay sidoo kale ka qayb qaadanaysaa nabadgelyada iyo horumarka Soomaaliya waxa aynu ugu yeerno wadada horumarka nabadgelyada, ma heli kadhid horumar nabadgelyo la’aan, mana heli kadhid nabadgelyo horumar la’aan.

Maxay tahay sababta aanu u dooranay iyo faa’iidada ay leedahay inaan fahanno fekerka federalismka ee Soomaaliya, fekradda federalism wuxuu ahaa in la aasaaso dowlado xubno ka ah dowladda Soomaaliya oo masuul ka ah shaqooyin dowladeed oo gaar ah.

Burburkii Soomaaliya ee 1991d-ii wuxuu ahaa natiijada awood dhexe iyo dowladda Muqdisho, Soomaaliya mahan Muqdisho, Muqdishona ma ahan Soomaaliya. Federalismku wuxuu xaqiijinayaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan lahayn awood kaligii talisnimo iyo in siyaasadda qaranka ee Mustaqbalka laga doodo, laga wada xaajoodo ayna wadaagaan siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha qaranku.

Waxaan taageernaa dowlad federal ah oo gacanta ku haysa dastuurka federalka ah, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda dowladda federalka ah, sidoo kalena xushmaynaysa xuquuqda dowladaha xubnaha ka ah.

Waa muhiim in la fahmaan markii la qaato federalism dhammaan awoodda dowladuhu waa mid gaar ah, waa muhiim in dhammaan hayaddaha dowliga ah ee Federalka iyo maamuladu ay wada shaqeeyaan si loo gaaro hadafka guud ee dowladnimada Soomaaliya, Federalismka waxaa loogu talagalay inuu xaqiijiyo wadashaqaynta u dhexaysa dowladda Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah gaar ahaan wadashaqaynta ammaanka mana ahan tartan.

Dastuurka federalka ah waxa uu bixinayaa awoodaha soo socda,” Qodobka 54aad ee dastuurka Puntladn waxa uu sheegayaa in dowladda Puntland ay heshiisyo lageli kadho caawiyayaasha qaranka iyo kuwa ajaaniibta ah si faa’iido looga dhaliyo khayraadka dabiiciga a”.

Dhagayso Shirka jaraa’id ee madaxweynaha oo ku baxaya afka Ingiriiska



Puntlandes.com

About The Author