Madaxweyne Waare ”150.000 oo Qof ayaa ka barakacday Fatahaadda Webiga Shabeelle

29 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha Magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran.

27b

Mudane; Waare oo isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne Waraysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay Magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dadka ka barakacaya fatahaada Webigu ay kor u sii kacaysa tiradoodu marba marka ka dambaysa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.

Puntlandes.com

About The Author