Ololihii u dambeeyay ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo musharaxiintu ku guda jiraan

29 April 2018 (Puntlandes) Ololihii ugu dambeeyay oo loogu doorashada Gudooimyaha Golaha Shacabka ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilkaas iyadoo tan iyo xalay Hotelada Muqdisho ay ka socday kulamo aan loo kala kicin.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaraya 11 Musharax ayaa olole adag waday labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo la sheegayo in Musharaxiinta ay ku kala xoog badan yihiin Ololaha socda,

Illaa iyo hada Musharaxiinta ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah C/casiis Lafta Gareen, Ibraahim Isaaq Yarow,  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye, Xaaji Cali iyo kuwa kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay wataan hal musharax ah, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan Musharaxa ay sida toos u taageerayaan, waxaana hadal heyntu tahay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa aad u yar saadaasha cida noqon doonta Guddoomiyaha xiga ee Golaha Shacabka, marka loo eego heerarka Musharaxiinta iyo awoodahooda oo ah kuwo isla siman, waxaana saacad walba la filan karaan in wax is bedelaan oo Musharax aan la fileyn uu guuleysto.

Waxaa la saadaalinayaa in Musharax kasta oo ay Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys a aad u dag, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono.

Puntlandes.com

About The Author