Dhagayso; Eng Yarisow oo sheegaya inuu ka shaqeyn la’ yahay madax & xildhibaano

03 Maj 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

29b3

Eng Yarisow guddoomiyaha gobolka Banaadir  oo muddo saddex bilood ah haya  xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir  isbedel badana oo dhinaca horumarka ah laga dareemay mudadii uu xilka hayay ayaa sheegay in saddexdaa bilood ee uu xilka hayay uu la tacaalayay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga adeegi la’ yihiin Shacabka.

Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.

“Runtii muddo saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyey ayuu yri guddoomiye Yariisow.”ayuu yiri  duqa  magaalada Muqdisho.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay xildhibaano iyo wasiiro ay ugu yimaadaan sidii dad loogu fulin lahaa dano gaar ah taasna ay tahay mid aan xaq ahayn.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka joojiyay lacago hotelo loogaga bixin jirey siyaasiyiin ku dhow dhow madaxtooyada,haatana lagu bilaabay dacaayado wax loogu dhimayo  shaqsiyadiisa taasoo laga dareemayo shaqsiyaad ku dhow dhow  madaxda ugu sareysa dalka.

Dhagayso Duqa magaalada Muqdisho


Puntlandes.com

About The Author