Shaqaale Ajnabi ah oo u shaqeynaysay Hey’adda ICRC oo lagu afduubtay Muqdisho

03 Maj 2018 (Puntlandes) Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha Ajaaniibta ee Hey’adda ICRC ayaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka afduubka u dhacay.

29a9

Afduubka ayaa ka dhacay xarun Hey’adda ICRC ku leeyihiin degmada Wadajir, gaar ahaan laami yaraha Zoobe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in afduubkan uu ka dambeeyay nin ka mid ahaa Ilaalada gaarka ee Xarunta ICRC ee Muqdisho.

Ilaalada Xafiiska ICRC ee Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay Gabadhu u dhalatay dalka Jarmalka, waxaana afduubka kaddib xarunta tagay Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo wada baaritaano.

 

Puntlandes.com

About The Author