Daawo Video: Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo Islaan bashiir ayaa gaaray Deegaanka Saaxdheer (Sawirro)

09 May 2018 (Puntlandes) Waxaan maantay gaaray deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool wafti ballaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdile oo ka kooban isimada kala ah Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise iyo Iimaam Cabdiwahaab Maxamuud Gurey iyo Cuqaal badan.

Wafdiga ayaa si aad u heersaraysa waxaa loogu soo dha waeeyey Saaxdheer iyadoo meel 30km u jirta uu uga hortegay Garaad Jaamac Garaad Cali, Cuqaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo si diiran halkaas ugu soo dhawee yey.

Saaxdheer ayaa waxaaa ka qabsoomaya gogol nabadeed oo uu dhigay Garaad Jaamac taasoo lagu dhamaynayo waxyaalaha qabyada ka ah shirkii nabadaynta ee ka dhacay Maygaagle ee labada Beelood oo  walalaha ah ee Cumar Maxamuud iyo Bahararsame.

Daawo muuqaal

31a5a1

31a6a

31c6
FB_IMG_1525901308010

FB_IMG_1525901542414

FB_IMG_1525901536383

FB_IMG_1525901301058

FB_IMG_1525901296899
Puntlandes.com

About The Author