Dhagayso: Senator Iftin Xasan Baasto oo uga digay Xukuumadda faragelinta Maamulka Jubbaland

10 May 2018 (Puntlandes) Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa uga digay Xukuumadda faragelinta lagu haayo dawladda Jubbaland, isagoo sheegay inay ka war heleen duulaan dhanka Xukuumadda ka socda oo ka dhan ah dawlad goboleedyada dalka.

31c7

Senator Iftin Xasan Baasto ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay ka digtoonaato arrimaha ay wado, isagoo xusay inuu isaga ka mid yahay Senatarada laga soo doortay Jubbaland, isla markaana aanay raalli ka noqoneyn waxyaabaha qaar.

“Anaga waxaa nahay Senatorada Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland oo aan ku matalnaa dowladda Federaalka, waxaa leenahay Xukuumadda ha iska ilaaliso dul duleedaha faraha badan iyo doc faruurka ay wado, marna ma ogolaaneyno faragelin wax burburin ah”ayuu yiri Iftin Xasan Baasto oo wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.

Waxaa uu sheegay in arrimaha beryahan soo baxaya aanay aheyn arrin aysan jecleysaneyn, isla markaana Xukuumadda ay fahmadeeda badatay isagoo xusay in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed iyo degenaansho dimoraadiyadeed.

“Waxaan ujeednaa Xukuumadda waxa ay u dan leedahay iyo waxa ay u socoto, dalkaan marxalad adag ayuu soo maray, illaa hada Xukuumadda hal mashruuc oo waxqabad kama sameyn Jubbaland, maantana waxay wadaa doc-doceyn iyo faragelin, raallina kama nihin”ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto.

Senator-ka ayaa sheegay in wax walba lagu dhameeyo is faham iyo wada hadal, isla markaana ay soo arkeen dhib iyo bur bur, haatan loo baahan yahay in xaalada lagu soo celiyo wadadii xasiloonida aheyd.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa soo if baxayay khilaaf iyo mad madow siyaasadeed oo ka dhex qarxay qaar ka mid ah Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo Madaxeynaha Jubbaland oo dhowaan tagay dalka Imaaraadka carabta uu markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo uu weerar afka ku qaaday dowladda Federaalka oo uu ku eedeeyay inay ka baxday dhex dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka, isla markaana ay wado olole ka dhan ah maamulada dalka.

Dhagayso waraysi dheer oo ay  Idaacada Goobjoog la yeelatay Senater Iftin Baasto


Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author