Alshabaab oo madaafiic ku gaaracay saldhigga Milateri ee Turkiga

12 May 2018 (Puntlandes) Alshabaab ayaa sheegtay in weerar madaafiic inay ku qaadeen saldhiga Milateri ee Turkiga ku tababaraan Ciidamada Soomaaliya ee ku yaalla deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

32a6

Dadka deegaanka Wadajir ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka madaafiic culus aroornimadii saaka, hase ahaatee jiho ahaan ma sheegin halka ay ay ku dhacayeen.

Baraha Internet-ka ee taageera Alshabaab ayaa lagu sheegay in illaa 13 madfac ay ku garaaceen xeradaas, ma jirto war ka madax banaan sheegashada Alshabaab oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Xerada Milateriga Turkiga.

Alshabaab ayaa horay ugu eedeeyay Turkiga inay qeyb ka yihiin waxa ay ugu yeereen duulaanka reer galbeedka ku soo qaadeen Soomaaliya.

Turkiga ayaa saldhigga Milateri ku tababara boqolaal askar, waxaana dhowaan tababar loo soo xiray dufcadii labaad

Xerada Milateri ee Turkiga ayaa ku taal deegaanka Jazeera, waa xero ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Milateri ka soda Turkiga.

Puntlandes.com

About The Author