Daawo Video: Heshiis lagu dhamaystiray Nabadaynta Colaadii Hawdka Sool oo ka dhacay Saaxdheer (Sawirro-Dhagayso)

12 May 2018 (Puntlandes) Shir ku saabsan dhammaystirka nabadaynta Colaadii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee Cumar Maxamuud iyo Bahaharsame ayaa lagu soo gabogabeeyey degaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.
Daawo muuqaal

Shirkaan oo ay gogoshiisa fidisay beesha Bahararsame oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa daba socday,shirkii labadan beelood oo 10 Febraayo ee sannadkaan ka qabsoomay degaanka Maygaagle ee gobolka Nugaal,waxaana lagu dhammaystiray qodobada heshiiskii hore.

Garaad Jaamac Cali Garaad Jaamac iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo ka hadlay gabogabadii shirka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dhamaatay colaadii ka dhaxaysa beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud.

Dhagayso khudbadihii


32a4a

32a7

32a7a

32a7a1

Puntlandes.com

About The Author