Akhriso Shirkad Calooshood u shaqaystayaal ay leeyihiin oo lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordon

14 May 2018 (Puntlandes) Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u ku wareejiyey shirkadCalooshoos u shaqaystayaal ay leeyahay inay la wareegto tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto Xerada tababarka ee Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka.

26

Imaaraadka Carabta ayaa bishii la soo dhaafay joojiyay howshii tababarka xeradaas, iyagoo wixii qalab milateri iyo tababarayaashooda kala baxay xerada.

Nuqul ka mid ah heshiiska ay Taliska CXDS ay la gaartay shirkad magaceeda la yiraahdo Red Four Security Group Somalia (RSG) ayaa shirkadda loogu oggolaaday inay la wareegto dugsiga tababarka Jen. Gordon gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo Lojistikada.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Cali Caanood ayaa qoraalka ku yiri “Waxaan oggolaanay in shirkadda RSG ay la wareegto tababarida, sahay siinta, gaadiidka iyo guud ahaanba maareynta dugsiga tababarka Gen Gordon.”

Ciidamadii uu horay u tababaray Imaaraadka Carabta ee ku jira Xerada Jen. Gordon ayaa wixii hadda ka dambeeya waxaa howshooda la wareegaya shirkaddan Amni ee lagu magacaabo RSG

Akhriso qoraalka heshiiska Shirkadda RSG loogu wareejiyay Xerada Jen. Gordon

33

Puntlandes.com

About The Author